Latest Article

6/recent/ticker-posts


 Dhiirigalintu waa waxa kaliya ee kugu dhaqaajin kara, shaqo aad rabto inaad qabato. Hadaadab dhiiranayn, karti uma yeelanaysid inaad si xamaasadaysan u qabato waxaas.

Waxa qofkasta u fududeeyo inuu gaadho hankiisa, waa dhiiri galin. Waa shidaalka uu qofku u isticmaalo xaqiijinta yoolkiisa.

Waa maxay dhiiri galin?

Waa waxa ugu muhiisan ee qofka gaadhsiiya hadafkiisa. Waxa qofka riixaya, ee keenaya inuu ka dhabeeyo yoolkiisa. waa dhiiranaanta uu ku qabanayo hawlihiisa.

Sidee ku noqon kartaa qof dhiiran?

Si aad u noqoto qof dhiiran, waxaa muhiima inaad heli karto qof ku dhiirigalinaya, oo ku jecel.

  • Sida waalidka.
  • Walaaladaa.
  • Asxaabta.

Waxaa intaasba kaaga filan inaad akhrisato maqaalkan aan kula wadaagayno. Waayo wuxuu ku barayaa erayada ugu muhiimsan eed naftaada ku dhiirigalin karto.

Sidee naftaada u dhiiri-galin kartaa?

  • Qoro jumlo dhiiri galin ah, kadibna dhigo meel aad ka arki kartid markasta.
  • Waxaad qorotaa hadafyada nolosha aad ka leedahay.
  • Muraayda hor istaag oo amaan naftaada. Adigoo u sheegaya waxyaabaha ay jeceshahay iney maqasho. Sida waan guuleysan karaa.
  • Waa inaad leedahay qof aad ku dayanayso.

Dhiiri galin naftaada: sidee ku heli kartaa waxaad rabto

  • Waxa ugu adag ee qofku ku samayn karo is-badal, waa naftiisa. Hadaad naftaada ka guuleysato, waxkasta ood dooneyso nolosha, waad ku guuleysan.
  • Hadaad u baahan tahay inaad isbadal ku samayso naftaada. qodobadan hoose muhiim ayey kuu yihiin.
  • Naftaada bar farxada, ilaa ay farxada ku soo doonato.
  • Nafsadaada dareensii yididiilo, si aad u xaqiijiso hadafka noloshaada.
  • Ha eegin waxaad wayday, eek u farax waxa gacantaada ku jira.
  • Ka fogow murugada iyo walwalka, waxyaabahaas maaha waay mudan yihiin indhahaada.
  • Marnaba dadka ha ugafin, cayda iyo ceebayntu maaha hab wax lagu saxo.
  • Dhaliishaadu ha ahaato mid wax dhista, yeysan noqon mid wax dumisa.
  • Ha isbadalin, si dadka kale kuu jeclaadaan. Ahow qofkaad tahay, dadka saxdaa ayaa ku jeclaan doona.
  • Hadaad murugoonayso qofna ha u sheegin xanuunkaaga. Waayo qofna kulama dareemi karo, dareenka murugta ah, marka laga reebo waalidkaa.
  • Ka fogow shaqsi kasta oon mudnayn inuu noloshaada ku sii jiro. Xataa haduu yahay midka kuugu dhaw adiga.
  • Hadaad wax jeclaato, si qoto-dheer wax ha u jeclaanin. Ilaa aad ka xaqiijiso, inuu qofka kale kuu hayo jaceyl dhab ah.
  • Goortii aad qof xiriir la-wadaagto ku dhaqan sedexdan xeer. Been ha sheegin, ha qiyaamin, hana qaadin balan aadan fulin Karin.
  • Qofki si kasa kaaga tagay, asagoon danaynaynin dareenkaada. Waxaan kaaga digayaa inuu noloshaada ku soo laabto bilaa sabab.
  • Wakhtigan aan joogno, markastoo tahay qof daacad ah oo runlow ah. Waa markastoo indhahaadu buux-dhaafinayso ilintu.
  • Afkaada bar inaad dhihi kartid mararka qaar, MAYA. Waayo haa iyo haye badan, waxay kuu horseedi kartaa halaag.

Erayo macaan dhiiri galin ah

Waad noqon kartaa qofkaad rabto inaad noqoto mustaqbalka. Waxa kaa hortaagan waa cabsida oo kaliya. Waa kuwan erayo kugu dhiirigalinaya, samaynta waxaad rabto.

  • Cadawgaada ciil baa lagu dilaa.
  • Caqabaduhu ma keenaan geeri, laakin dilaaga nolosha waa walwalka iyo murugada.
  • Inaad guul gaadho uma baahno lugo, ee waxay u baahan tahay dhiirsanaan.
  • Dadka niyad-wanaag kula dhaqan, wanaagooda faafi, halkaad xumaantooda saadaalin lahayd.
  • Hadalka wanaagsan waa furaha quluubta dadka kale. Ee isticmaal.
  • Guushu waa hortaada ee kaama-dambayso, marnaba gadaal ha fiirin.
  • Murugadu waa sida xarig, hadaadan iska jarin wuu ku ceejin.
  • Waxkasta waxay ku xidhan yihiin, hadba sidaad u aragto.
  • Aad ayaad uga awood badan tahay, sidaad moodeyso.
  • Qosol markaad murugaysan tahay, waayo oohintu waa wax sahlan.
  • Wakhtigaada ka faa’ideyso, waayo waa waxaad haysato oo kaliya maanta.
  • Haka quusan marnaba waxaad rabto, waayo caqabadaha waxaa ka xanuun badan quusta.
  • Ficilka ugu wanaagsan, waa inaad maalinkasta ka shaqayso hormarinta naftaada.
  • Qaamuuskaada ka saar, erayga “macquul maaha”

Dhiiri galin guusha

  • Su’aashu maaha yaa iga hadhaya, sidoo kale si-waydii yaa ka hor-taagan.
  • Inaad is-dhiibto waa doorasho.
  • Khaladka ugu wayn ee qof samayn karo, waa inuu ka cabsado inuu khalad galo.
  • Waa inaad samayso waxyaabahaad moodeyso inaad qaban Karin.
  • Kartidu waxay dhalataa xiliga caqabadaha.
  • Noloshu maaha inaad xaliso dhibaatooyin, ee waa xaqiiqo inaad la kulmayso.
  • Wali kamaadan habsaamin, inaad xaqiijiso hadafkaada.
  • Waxaad maanta qabato waxay hagaajinaysaa waxaad qabanayso barito.
  • Hadaad ku riyoon karto, waad xaqiijin kartaa.
  • Kalsoonidu waa sirta koowaad ee guusha.

Xikmad dhiiri galin ah

  • Waxa dhaqaajiya qofka waa xamaasada.
  • Dhib maleh inaaf kufto 7 jeer, kac oo sii soco.
  • Guuldaradu waa guul, hadaan wax ka barano.
  • Dhamaan riyooyinkaada oo dhan waad rumayn kartaa, hadaad geesnimo u leedahay xaqiijintooda.
  • Way xanuun badan tahay inaad kufto, laakin inaad kici waydo ayaa ka xanuun badan.
  • Meeshaad joogto ka bilow, waxaad haysato isticmaal oo samee waxaad karto.
  • Dhoolacadayntu waa hab aan qaali ahayn, oo lagu hagaajiyo muuqaalkaada.

Dhiiri galin nololeed

  • Wanaaji xidhiidhka aad la-leedahay rabigaa.
  • Markastood gaadho guul, alle SW xasuuso oo uga mahadceli.
  • Noqo qof leh dulqaad uu ku wajaho duruufaha nolosha eek u geedaaman.
  • Yeelo jadwal aad raacdo, markaad qabanayso hawlahaada.
  • Samayso wakhti aad naftaada ay ku nasato. yeelo wakhti aad ku qiimayso waxqabadkaada shaqsiyayeed.
  • Qof waxtar leh oo naftiisa iyo dadkaba anfaca noqo.
  • Samayso dad markasta kugu booriya, inaad noqoto qof yool leh.
  • Adigu samayso farxada, ee ha noqon qof farxadu samayso. ka qayb-gal meelaha lagu qabto bandhigyada cilmiga ah.
  • Wakhtigaada marnaba ha dayicin.
  • Iska ilaali qoomamada, sababtoo ah waxay dishaa hanka iyo himilada qofka.
  • La-saxiib dadka leh hanka iyo aragtida fog ee mushtaqbalka.
  • Iska-ilaali waxyaabaha qorshahaada dib u dhaca ku keeni kara.
  • Joogtee xamaasadaada, adigoo dib u eegaya guulihi aad gaadhay.

Dhiiri galin dhalinyarada

Weedhahan waxay dhiirigaliyaan dhalinyarada. Waa dhiirigalin nolosha dhalinta wax ka-badalaysa.

  • Dhalinyaanimadaada uga faa’ideyso wax ku anfaca mustaqbalkaada.
  • Iska-dhaaf dhafarka badan, taas badalkeeda yeelo hadaf aad xaqiijiso.
  • Ma-jiraan dhalinyaro xun, hadaan la khaldin. Yaan lagu khaldin.
  • Hal wax oo kaliya ayaa kaa hor-taagan guusha, waana cabsida.
  • Rajadu waa waxa guusha u horseeda qofka.

Gaba-gabo

Waxaan rajeynayaa ineraydan dhiirigalinta, inaad waxtar badan ka hesho. Waa qoraalo dhiirigalin ah iyo hadalo dhiirigalin ah. oon filaya in noloshaada waxbadan ka badalaan.

Ujeedada maqaalku waa inan kula wadaagno. erayo macaan dhiirigalin ah oo badalaya mabda’aadi aad ka aaminsanayd nolosha.

Midna xasuusnow, dhamaanteen waan samaynaa khaladaad. laakin qofka aan is-dhiibin waa qofka sameeya isbadalka.

Intaas waxaa dheer, hadaad dooneyso qormooyin kale oo xiiso leh. Soo akhriso sida hadafka nolosha. Waa maxay kalsooni.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Dhamaad


Post a Comment

0 Comments