Ficilku waa furaha aasaaska u ah dhammaan guusha.”—Pablo Picasso
Guushu ma aha fursad meel taala; waa mid u baahan u hagar bixid, dedaal, tacab iyo culays werwer badani ku xeeran yahay.
Sidoo kale, Guushu waa hadaf, hiigsi, han, himilo, yool iyo qorshe u baahan sees adag. Guushu ma aha u dhalasho ee waa tacab, talo, tusaale, tiigsi iyo tamarin ilaa aad ka gaadhayso hadafka aad jeexatay gaadhistiisa.
Talaabooyinka soo socdaa waxay kaa caawin doonaan in aad guulaysato.
- Qiimeyn
Qiimeyntu waa garashada qiimahaaga. Talaabaddaada koowaad in aad ka bilowdo qiimeyn waxay kaalin weyn ka geysanaysaa seeska guushaada. Waa ogaanshaha halkee ayaad joogtaa, halkee ayaad u socotaa? Maxaan ku wanaagsanahay? Maxaan ku liitaa? Maxaan ku gaadhi karaa figta sare ee guusha aan haybinayo gaadhisteeda? Maxaa caqabado i haysta? Fursaddaha tiro beelka ah ee sallaan u noqon kara guushaydu maxay yihiin?....... Ilaa aad garanayso qiimahaagaa.
Soo qaado buug iyo qalin kaddib is qiimee. Beddel wixii dib kuu dhigaya, wax kabeddel fursadaha aad haysato oo sifiican uga faa’ideyso si aad uga midho dhaliso riyooyinkaaga.
2. Yool
‘’Qofkasta qiimihiisu waa inta uu ku hammiyeyayo ama ku werwerayo.’’ Sh. Mustafe
Isqiimeyn kaddib, waxa kuusoo baxay halka aad joogto iyo halka aad rabto in aad u dhaqaaqdo. Lahaanshaha riyo ama hadaf nololeed oo aad xaqiijisaa si aad sees uga dhigto talaabada maalinkasta aad qaadeysaa waa mid mudnaan leh.
3. Qorshe dejin.
Inta badan hawl maalmeedkaagu waxay ku salaysan yihiin yoolalkaaga nololeed.
Hadaf aan qorshe dejisan laheyni waa riyo maalmeed. U jejebi hadafkaaga qorshe sannadle, Lix biloodleh, saddex biloodleh, bil leh iyo todobaadleh.
Tusaale,
Waxaan doonayaa in tababaro 1000 arday.
Sannadkii: 1000 Arday
Lixdii Bilood: 500 Arday
Saddexdii bilood: 167 Arday
Bishii: 56 Arday
Todobaadkii: 7 Arday
Sida tusaalehan u kala jejebi
qorshayaashaada qaabkaas oo kale. Waa talaabada ugu fudud ee aad maalinkasta aad hore u socon karto si aad u gaadho hadafkaaga sannadlaha ah.
4. Mudnaansiin
Maahmaah ayaa tidhaa, “Haddaad laba bakayle caydhsatid isku mar midna gaadhi maysid.”
Shalay haddii hadafkayga nololeed la iwaydiin lahaa waxaan kuu sheegi lahaa 100 hadaf oo aan leeyahay. Maanta haddii la iwaydiiyana waxaan kuu sheegayaa hadafka ugu weyn ee aan leeyahay nolosha ee ay tahay in aan xaqiijiyo iyo ahdaaftayda yar-yar ee u adeegaysa hadafkaasi weyn.
Tusaale,
Hadafkayga weyni waa in aan janno galo. Hadafkasta oo nololeed ee aan leeyahayna wuxuu u adeegayaa kamidho dhalinta hadafkaygaa weyn taasi waxay keenaysaa inaan ka fikiro dhameystiranka bani-adamka iyo dadkaygu guud ahaan siddii ay janno ku geli lahaayeen.
Haddii aan adduunyadayda bidixda ku qabsado, aakhirona madigtayda, taasi waa ta keensanaysa in aad ku dedaasho wixii nacfi leh adduun iyo aakhiroba. Kala garato xalaasha iyo xaaraanta, garashada in arsaaqdaada, shaqadaada, camalkaa iyo ficilkaaguba qoran yihiin’e. Sidoo kalena aad garato ujeeddada laguu abuureyn una dedaashid.
5. Mashquuliyeyaasha
Xuduudo caafimaadqaba ayaad u baahantahay si aad u xakameyso codsiyada tiro beelka ah ee ka imanaya baraha bulshada, asxaabtada iyo ehelkaba xaaladdaha qaar.
Gumeysiga casriga ahi wuxuu ina dafirsiiyey wakhtigeennii oo ah cimrigeenii. Xasan Albasri waxa laga hayey,’’ Bani-aadamow haddii maalini tagto waxa tagay badhkaa.’’ Maalinbaad usii durugtay dhinaca xabaasha. Libintii aad gaadhi laheyd labada daaroodba waxa dhayal iyo dayacaad u qaatay baraha bulshada aan wakhti go’an laheyn.
Guul iyo hadaf xaqiijini ka dheer qof aan u maaro helin hab addeegsiga baraha bulshada wakhtigan.
Mudnaansii: Baraha bulshada adiga oo isku qiimaynaya:
- Bartee ayaan maalinkasta isticmaalayaa
- Bartee ayaan todobaadkii mar isticmaalayaa
- Barteebaan labadii todobaad mar isticmaalayaa
- Barteebaan bishii hal mar isticmaalayaa
Mudnaansii: Wakhtiga baraha bulshada adiga oo isku qiimaynaya:
- 5 Daqiiqo fariin kajawaabis
- 5 Daqiiqo warhelis
- 5 Daqiiqo waxbaadhis
- 5 Daqiiqo waxkale oo aad u qorshaysay.
Kaddib iska xidh oo ka shaqee kamidho dhalinta hadafkaaga nololeed.
Ma jiro qof ka baqaya guuldarada illaa uuna waligiis guulaysan.
6. Dhamaystiranka hawlaha
Shaqo dhameystirku waa midkamida dareennada farxaddeed ee garabka iyo gaashaanka kuu noqonaya si aad talaabooyin kale aad hore ugusii qaado.
In waxsoosaarkaaga qofeed guuleystaa haddii ay aasaas u tahay in aad leedahay qorsheyaal maalinle oo ah waan qabanayaa. Xilli kasta qor habeenkii ka hor hurdadda ama subixii midkay kuu suurogasho’e waa lagamamaarmaan in aad yeelato liiska waan dhameystirey hawlahaa ii qorsheynaa kamidho dhalintooda maanta. Waa talaabo aad maalin kasta hore u qaadeyso.
7. Dhiirigelin
Maxaa i dhiirigeliya? Markaan isbartay kaddib waxaan ogaaday waxa idhiirigeliyaa inuu yahay ficilka. Dhaqaaqa iyo ka tacabirka halkii aan shalay soo istaagay in aan talaabooyin hore uga qaaday oo aan isku-day ka badan kii shalay la imid.
Tusaale,
Haddii aan shalay akhriyey 10 bog oo kamida buug aan xiiseyo, Maanta waa in aan talaabo hore u qaada oo aan 15 ama 20 akhriyaa. Waataa halka ay ka imanayso beri maanta ka fiicani.
Shalay haddii aan ka fikirayey in aan dunida beddelo, maanta waxa aan ku fikirayaa in aan naftayda beddelo. Waa taa horumarka rasmiga ah ee tibaaxaysa qof, qoys, qaran ilaa qaramada adduunka in aad saameyn ku yeelato.
8. Hage
Noloshu kama maaranto hage. Qof aad ku kalsoontahay oo ku haga, kula taliya, kula qiimeeya, ku kaaba, kuu iftiimiya, kuu sharaxa, ku fahamsiiya isla markaana ku hordhiga waydiimo aad ku marin saxato si aad uga midho dhaliso yoolashaada nololeed. Waxaad ka leexani intaas oo haadaamood oo aad ku dhici lahayd haddii aad toos iskugu daydo shay walba.
9. Halgan iyo go’aan
Riyo kasta oo aad leedahay, hadafkasta oo aad rabto in aad xaqiijiso iyo derejo kasta oo aad isleedahay gaadh haddii aanad go’aan qaadan marxalad kasta oo kulasoo gudboonaata waxa aad taagnaan doontaa halkii aad shaley soo istaagtay. In aad talaabo hore u qaadaa waxay u baahantahay go’aan, in aad bixiso qiimaha ay goynayso in aad guul gaadhaa waxay u baahantahay go’aan, in aad mashquuliyeyaasha baraha bulshada iska yareysaa waxay u baahantahay go’aan, In aad garato oo aad ku toosnaato ujeeddadii laguu abuurey waxay u baahantahay go’aan. Nolosha gabigeeduba waa go’aan
10. Talo Saarasho Ilaahay iyo rumeyn
Nebigu CSW, Waxa uu yidhi, '' Ku dedaal waxa ku anfacaya, ilaahay kaalmayso waligaana Ha caajisin. ''
Mudnaansii xeerarka, shuruucda iyo amarada Ilahay kufaray. Ka tag waxa ilaahay iyo rasuulkiisa NNKH kaa reebeen. Ogow qofka muslimka ahi doorasho kale maleh haddii shay Ilahaay iyo rasuulkiisu fareen ama kaa reebeen.
11. Xidhiidhada
Dadka himmada sare leh in aad ku xidhaa waa mid kamida sallaanada guusha. Sida Sheekh Mustafe mararbadan ka dhawaajiyay Dadbaa jira guusha furayaal u ah, Sharkana xidhayaal u ah.
Ku xidho dadka dedaalaya, ee waxbaranaya ee waxbaadhaya marwalba.
Isleegta Guusha Nolosha
Aqoon + Ficil = Guul
Ma sinna qof waxbartay iyo qof aan waxba barani ilaahay agtiisa iyo duniddan aynu dhex lugeynaynaba. Ka bilow oo naftaada baro, Abuuraha kawnka baro, Maqal oo dhugo fariinta Ilaahay ee Nebi Maxamed SCW inasoo gaadhsiiyey..... Kaddib ficil la imo oo xaqiiji hadafkaa nololeed, hubaal waxa ah in aad guul gaadhi doonto.
Ugu danbayntii maskaxda ku hay in guusha ay horseedaan
1. Doonis xoog ah (.ومن اراد الاخرة)
2. Halgan joogto ah (وسعى لها سعيها)
3. Rumaysnaan yoolka aad u socoto (وهو مؤمن)
Tixraac:
- Sh. Mustafe
- Cabdillahi Beershiya
- Lifehack
- Buug: Xilkas
- Buug: Get it together
0 Comments