Latest Article

6/recent/ticker-posts

 

H

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Caafimaadka Aduunka ee (WHO) oo maanta yeeshey Kulan 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Ali Xaaji Aadan oo ay Wehilyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dr. Maryama Mohamed Hussein iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada, ayaa maanta xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay Wafdi ka socday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO) gaar ahaan xafiiska Bariga & Bartamaha. Wafdiga ayaa ka koobnaa madaxa WHO ee xafiiska Soomaaliya Md Mamnuur Rahman Malik, iyo Qubaro kale oo ah xeeldheerayaal Caafimaad, waxaanna sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa oo wafadiga wehliyay khubaro dib u eegaysa guulaha ay Soomaaliya ka gaadhay Adeega Caafimaadka Aasaasiga ah iyadoo loo eegayo halbeegyada Caalamiga ee Caafimaadka loo dhanyahay ee Universal Health Coverage (UHC).
Wafdiga ayaa kulan socdey saacado la qaatey Madaxda ugu sarsarayso Wasaaradda si loogu kuurgalo hawlaha Caafimaad ee ka socdo Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Waxaanna sidoo kale ay booqasho shaqo oo ay ku tageen xarumaha Caafimaadka sida Isbitaalka DeMartini, Iyo Shaybaarka dhaxe ee Qaranka, Madaxda ka socotey WHO ayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisey warbixin ku saabsan qorshaha World Health Organization ee Soomaaliya iyo dhameystirka Mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya iyo doorkooda ku aadan horumarinta qeybta Caafimaadka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadam ayaa si diiran u soo dhaweeyay Wafdiga sidoo kalena kala hadlay wadashaqaynta ballaaran ee kala dhaxayso WHO oo qeyb wayn ka ah habsami u socodka shaqada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladaha dalka ka jira iyadoona xilligan Dalka ay ka jirto abaartii ugu darneyd ee soo marta Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, waxa ayna saameysay qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka iyadoo xaalad Bani’aadamnimo iyo mid Caafimaad ku keentey ku dhawaad 7 Milyan oo macluul ay soo food saartay.
Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay gacan weyn ka geysteen qaabaynta iyo horumarinta Xirmada Aasaaska ah ee Adeegyada Caafimaadka (EPHS) oo ah qaab-dhismeedkeenna heer Qaran ee habaynta, maaraynta, iyo bixinta adeegga Caafimaadka aasaasiga ah ee dalka.
Wasiirka ayaa ugu dambayntii diiradda saaray muhiimada ay leedahay iskaashiga hay’adaha wadashaqaynta kala dhaxayso Wasaaradda Caafimaadka waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray horumarinta & Daboolista Caafimaadka Caalamiga ah (UHC) iyadoo la xoojinayo bixinta adeegyada Daryeelka Caafimaadka aas aasiga ah ee dhammaan shanta heer ee nidaamka daryeelka Caafimaadkayaga.
DHAMAAD

Post a Comment

0 Comments