Hormari naftad
Maxay ka dhigan tahay inaad horumariso naftaadu?
Dadka qaarkood, fikradda hagaajinta nafta ayaa dhiirigelinaysa. Kuwa kale, waxay u noqon kartaa wax aad u faa'iido badan in looga fikiro korniin ahaan. Kobaca uu qofku samaynayaa waa mid togan oo had iyo jeer maaha xariiq toosan.
Hagaajinta naftaadu waa safar aad u gaar ah, waxyaabaha gaarka ahina way iska beddeli karaan dadka dhexdooda; oo aragti qof u shaqaysay ayaa laga yaabaa in aaanay adiga kuu shaqayn.
Isbeddelku maaha mid raaxo leh. Kobacuna wuxuu u baahan yahay in aad ka gudubto waxa aad taqaano. Laakin tilaabo kasta oo aad qaado waa qayb ka mid ah nidaamka aad ku noqonayso nooca ugu fiican ee naftaada.
Isbeddelka habdhaqanku wuxuu noqon karaa geeddi-socod dheer, laakiin maaha inay noqoto mid murugo leh. Buugga, Atomic Habits, ee uu qoray James Clear wuxuu ka hadlayaa awoodda hagaajinta, boqolkiiba hal 1% maalin kasta. Hagaajinta naftaadu waxay noqon kartaa isbedelo isdaba joog ah oo yar yar. Ama waxay noqon kartaa hannaan ka qaybqaadan kara, sida ka adkaanta cabsida; ka baqashada guul-darrda ikk.
Si kastaba ha ahaatee, wanaajinta naftaada macnaheedu maaha inaad beddesho xudunta qofka aad tahay. Tusaale ahaan, haddii aad tahay qof dadka aad u dhex-gala, waa inaadan ujeedin inaad noqoto qof qallafsan.
0 Comments