Horumarinta nafta: 10-talo oo aad naftaada ku horumarin karto maalin kasta
Maxay ka dhigan tahay inaad horumariso naftaadu?
Dadka qaarkood, fikradda hagaajinta nafta ayaa dhiirigelinaysa. Kuwa kale, waxay u noqon kartaa wax aad u faa'iido badan in looga fikiro korniin ahaan. Kobaca uu qofku samaynayaa waa mid togan oo had iyo jeer maaha xariiq toosan.
Hagaajinta naftaadu waa safar aad u gaar ah, waxyaabaha gaarka ahina way iska beddeli karaan dadka dhexdooda; oo aragti qof u shaqaysay ayaa laga yaabaa in aaanay adiga kuu shaqayn.
Isbeddelku maaha mid raaxo leh. Kobacuna wuxuu u baahan yahay in aad ka gudubto waxa aad taqaano. Laakin tilaabo kasta oo aad qaado waa qayb ka mid ah nidaamka aad ku noqonayso nooca ugu fiican ee naftaada.
Isbeddelka habdhaqanku wuxuu noqon karaa geeddi-socod dheer, laakiin maaha inay noqoto mid murugo leh. Buugga, Atomic Habits, ee uu qoray James Clear wuxuu ka hadlayaa awoodda hagaajinta, boqolkiiba hal 1% maalin kasta. Hagaajinta naftaadu waxay noqon kartaa isbedelo isdaba joog ah oo yar yar. Ama waxay noqon kartaa hannaan ka qaybqaadan kara, sida ka adkaanta cabsida; ka baqashada guul-darrda ikk.
Si kastaba ha ahaatee, wanaajinta naftaada macnaheedu maaha inaad beddesho xudunta qofka aad tahay. Tusaale ahaan, haddii aad tahay qof dadka aad u dhex-gala, waa inaadan ujeedin inaad noqoto qof qallafsan.
Muhiimada ay leedahay wanaajinta naftaada maalin kasta
Waxaa jira dhowr sababood oo aad ku sii wanaajin karto naftaada maalin kasta.
Mar kasta oo aad horumar ka samayso hal dhinac oo noloshaada ah, waxa aad dareemi kartaa in badan oo aad ku qanacday marka aad bilowdo xaqiijinta yoolalkaaga. Wanaajinta naftaada waxay kaa caawin kartaa dhinac kasta oo nolosha ah. Tusaale ahaan, inaad ku wanaajiso naftaada shaqadu waxay kaa caawin kartaa inaad horumariso waxqabadkaaga shaqada, inaad macno badan u hesho shaqadaada iyo xitaa inaad kor u qaaddo booskaaga shaqo.
Wanaajinta naftaadu waxay sidoo kale kaa caawin kartaa inaad hagaajiso xidhiidhkaaga shakhsi ahaaneed, wanaajiso awoodda aad u leedahay inaad xuduud u sameyso, oo aad xidhiidh dhow la sameyso kuwa aad jeceshahay. Ku-dhaqanka si aad u horumariso naftaadu waa nooc ka mid ah is-daryeelka, oo haddii aad si fiican u ilaaliso naftaada, waxaad u badan tahay inaad wax badan tartan dadka kale, “tiisaba daryeelaa tu kale ku dara”.
Talooyinkan soo socda oo aad dhaqan gelisaa waxay kaa caawinayaan in aad naftaada horumariso, waxaana kamida:
- Samee wakhti aad ku nasato
Kahor intaadan baran sida loo fiicnaado, waxaa muhiim ah inaad ka bilowdo aasaaska. Waxaad u baahan tahay in baahiyahaaga aasaasiga ah la buuxiyo ka hor intaadan u gudbin is-horumarinta. Qayb taas ka mid ah waa in la sameeyo wakhti nasasho iyo is-daryeelid.
Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo nasasho ah. Ma jiraan waqtiyo ku jira jadwalkaaga oo aad fursad u leedahay inaadan waxba qaban oo aad nasato? Waqtiyadaas xasilloon ee nasashada waxay kaa caawin karaan inaad hoos u dhigto oo aad ka shaqeyso wixii dhacay maalintaada.
Taasi waa sababta waqti u helista nasashada ay u samayn karto isbadal wanaagsan. Intaa waxaa dheer, marka aad si fiican u nasato, waxaad heli doontaa fursad aad kaga shaqayso, siyaabo kale oo aad naftaada u wanaajin karto.
0 Comments